Ciidamada Uganda oo wareejiyey 5 saldhig oo ay ka deggenaayeen degmada Baraawe.

Monday November 16, 2026 - 16:36:47
MeMO Staff
Taliska AUSSOM ayaa war uu shalay soo saaray ku sheegay in ciidamada Uganda ee qaybta ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ay 5 saldhig oo ay ka deggenaayeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose ku wareejiyeen maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya.
Sida ay sheegtay warbaahinta Uganda ee Chirmreports, tallaabadan ayaa dedejinaysa bixitaanka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay dagaal kula jireen jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Saldhigyada ciidamada Uganda ay ka baxeen oo ay ka mid yihiin kuwo ku yaalla deggaanka Ambareesa, garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Baraawe, ayaa waxaa si rasmi ah u wareejiyey taliyaha taliska 45-aad, Janaraal Dr. Justus Musenene oo wakiil ka ahaa taliyaha qaybta koowaad ee ciidamada AUSSOM, Janaraal Jackson Kanyanja.

Wareejinta saldhigyadan ayaa timid wax ka yar laba toddobaad kaddib markii Uganda ay ku dhawaaqday inay Soomaaliya kala baxayso ciidamadeeda ku jooga heshiisyada laba-geesoodka ah, kadib-na ay ku xigsiinayso kuwa ku hawl-gala magaca AUSSOM.

Chimpreports ayaa ka sanqariyey in bixitaanka ciidamada Uganda uu kusoo beegmayo xilli ay soo cusboonaadeen walaacyada laga qabo awoodda hawlgallada Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo jihaadiyiintu ay ka wadaan weerarro ka dhan ah xarumaha ciidamada, shaqaalaha amniga iyo waddooyinka ay marsadaan saadka.

Sidoo kale warbaahinta Uganda ee Nile Post, ayaa iyaduna sheegtay kala-guurka amni ee socda Soomaaliya uu fursad u siinayo jihaadiyiinta Al-Shabaab in awooddooda ay kusii fidiyaan deggaanno hor leh, kuna soo dabbaalaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Related Items

Update cookies preferences